Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Duqeyn loo geystay Saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Tuulo u dhow deegaanka Janaale

$
0
0
Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay xalay sakhdii dhexe weerar Duqeyn ah ka geysteenteen Tuulooyinka Hanti wadaag iyo Waaya-arag  oo ilaa 6-km u jirta deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay Saldhig ku leeyihiin Maleeshiyada Al-Shabaab. Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ibraahim Aadan Cali (Najax) oo SONNA u xaqiijiyey Duqeyntaasi ayaa dhanka kale sheegay ineysan haynin faahfaahinta khasaarihii loo geystay Maleeshiyada Al-Shabaab iyo weliba cidda ka dambeysay weerarkaasi. Dadka deegaanka ayaa iyaguna sheegay iney maqleen dhawaqa Duqeymaha, taasoo muddo kooban socotay. Horjoogayaasha Al-Shabaab iyo maleeshiyadooda oo ku dhuumaaleeysanaya dhulka baadiyaha ee qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa waxaa baacsanaya Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada Shesheeye kuwaasoo weerarro qorsheysan horey uga geystay meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al-shabaab.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles