Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ethiopia: Biyaha wabiga Nile waa loo sinaanaa

$
0
0
Wasiirka arimaha dalka Ethiopia, Workneh Gebeyehu , ayaa mar kale ku celiyay in dalkiisa ay ka go’an tahay in uusan wax yeeleynin xuquuqda ay ku leeyihiin dalalka uu maro wabiga aduunka ugu dheer ee Nile, isagoo ku baaqay in la wadaago isticmaalka biyaha wabiga. Wasiirka oo hadalkan ka sheegay shir jaraa’id, ayaa hoosta ka xariiqay in wadankiisa uu diyaar u yahay in uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalalka uu wabiga maro si loo gaaro heshiis ku dhisan danaha dalalkaas. Bishii, Maarso ee sanadkii 2015, waxaa heshiis magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ku gaaray dalalka Suudaan, Masar iyo Ethiopia, kaas oo daba socday markii dowladda Ethiopia ay dib u cusbooneysiisay dhismaha biyo xireenka, ayagoo isku waafaqay in la alkumo guddi isku dhaf ah oo qiimeyn ku sameeya si loo wadaagayo biyaha wabiga Nile. Biyo xireenka Ethiopia ay ka sameysay wabiga Nile ayaa xukuumadda Qaahira ka carootay, ayadoo u arkeysa in waxyeelo soo gaarayso saamiga ay ku leedahay biyaha wabiga kaas oo gaaraya 55.5 billion oo miter cubic sanadkii. Dowlada Ethiopia, ayaa sidoo kale ku celisay in biyo xireenka uusan wax saameyn ah ku yeelaneynin saamiga biyaha ay ku leeyihiin dowladaha Suudaan iyo Masar. Mashruuca dowladda Ethiopia ay ku dhisayso biyo [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles