Tartanka Ciyaarta Kubbada Koleyga Gabdhaha ee Maamul Gobaleedyada Dalka Soomaaliya ayaa Shalay galab ka furmay Magaalada Garawe ee Gobolka Nugaal. Furitaankii Tartankaasi oo ay goob Joog ka ahaayeen Madax ka socotay Xirirka Kubbada Cagta iyo tan Koleyga Somaaliyeed ,Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ,Maamulka gobalka Nugaal iyo khabiiro dhanka ciyaaraha ah. Agaasimaah guud ee dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigana ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in 26 sano kadib dibloo bilaabo Ciyaaraha Kubadda Koleyga gaar ahaan gabdhaha Soomaaliyeed, isagoo xusayna in haweenku door muhiim ah kaga jiraan Bulshada Soomaaliyeed loona baahan yahay inay ka qeyb qaatan horumarka Ciyaaraha. Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Wadanka Maraykanka ahna Gabar Soomaaliyeed oo iyana furitaanka Ciyaarahaaasi ka hadashay ayaa farxad ku tilmaantay furitaanka tartankaasi, waxayna rajo wanagsana ka muujisay inay ka soo bixi doonto hal koox oo Saamaali oo idil matali karta, iyadoo u mahad celisay marti galinta tartankaasi ee Puntland. Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar C/alaahi farawayne ayaa Bogaadiyay qabsoomida ciyaaraha Kubbada Koleyga Gabdhaha Soomaaliyeed si cadna u sheegay in haweenku ka soo muuqanayaan siyaasada dalka iyo ka qayb qaadashada arrimaaha Bulshada oo ay ugu horreyso ka shaqaynta nabadgalyada. Wariayaha Warbaahinta Qaranka Yuusuf Maxamed Maxamuud ayaa sheegaya [...]
↧