Booliska Wadanka Jarmalka ayaa baadi goobaya iyo raadin ba’an ku haya Nin dhalashadiisu tahay Tunisia kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarkii Isniintii ka dhacay Suuq ku yaalla Berlin oo lagu iibinayay qalabka Ciidda Masiixiiga. Booliska ayaa soo bandhigay sawirtka iyo magaca Ninkaasi, waxaana lagu sheegay magaciisa Anis Amri, waxayna Boolisku balanqaadeen abaalmarin dhan 10-kun oo Euro oo la siinayo ciddi soo sheegta meeshu joogo, waxaana si weyn looga baadi goobayaa dhammaan Waddmada reer Yurub. Wararka laga helayo arrinta Ninkaasi ayaa sheegaya in uu ahaa Nin loo diiday in la siiyo magangalyo, waxaana falka uu ku kacay sheegtay Ururka isku magcaaba Daweladda Islaamiga ee ISIS. Weerarkaasi ayaa walaac iyo walbahaar ku abuuray, islamarkaana si weyn u saameeyay Muhaajiriinta iyo Qaxootiga faraha badan ee Wadankaasi soo galay.
↧