Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo isbitaal ka furtay Gobolka Hiiraan.

$
0
0
Madaxa hogaanka caafimaadka ee xooga dalka ayaa maanta xariga ka jaray isbitaal loogu talo galay in lagu daryeelo ciidamada xooga dalka qaybta  gobolka Hiiraan iyagoona kormeeray qeybaha u ka kooban yahay isbitalkan. Munaasabad kooban oo ka dhacday taliska ciidamada gobolka ee gobolka hiiraan oo ku aadan xarig jarka ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiisha ciidamada amisom. Taliyaha Ciidamada xooga qeybta gobolka hiiraan Jeneraal Tawane Axmed Gurey ayaa sheegay in dhismaha isbitaalkan ay iska kashadeen ciidamada meleriga gobolka  iyo kuwa jabuuti oo kamid ah howlgalka AMISOM. Taliyaha Ciidamada xooga qeybta gobolka hiiraan Jeneraal Tawane Axmed Gurey  ayaa yiri “manta farxad ayay inoo tahay in aan u xafladayno isbitalka cusub ee halkaan looga dhisay ciidamada qeybta 21aad waxaa markii hore bilaabay amisom jabuti waxaana dhamaystiray ciidamada xooga ee gobolka hiiraan”. Taliyaha qeybta Afraad ee Ciidamada AMISOM kornayl Maxamed Cilmi habane ayaa sheegay in dhismaha isbtalkaan ay muujinayso in tayada ciidamada dowlada ay sii kordhayso soona adkaanayso. Sidoo kale  General Liiban xuseen Cismaan Madaxda hogaanka Caafimaadka  Ciidamada xooga dalka ayaa amanaay sida ciidamad dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka jabuuti ay isugu xilqameen dhisida isbitalka maadaamaa goob caafimaad ay muhiim u tahay ciidamada.isagoona xariga ka jaray.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles