Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta waxaa ay Maanta xariga ka jartay sheybaarka lagu hubinayo Tayadda Qalabka Dhismaha mudo 25 kadib ah. Waxaa sheybaarkan sidii lagu hirgalin lahaa Wasaaradda Howlaha Guud ka shaqeyneysay mudo labo sano ah kaas oo horay u burburay. Sheybaarka ayaa ka kaaban qeybo kala duwan oo ay kamid yihiin qeybtii lagu hubin lahaa Bulukeetiga iyo tayadiisa, qeybta loogu tala galay Shamiitadda inay tahay mid dhacday ama mid nadiif ah, Laamiga tayadiisa iyo wixii la mid ah. Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Eng. Saalax Sheekh Cismaan ayaa sheegay intani ay mudooyinkaanba ka shaqeynayeen balse Maanta ay ku guuleysteen. “Waxaan helny maanta Sheybaar waxaana ay nagu qaadatay inaan hirgalino wax badan labo sano” ayuu yiri wasiirka Howlaha Guud. Wasiir Saalax Sh. Cismaan ayaa sheegay inay ugu baaqayaan Shirkaddaha qaabilsan qalabka Dhismaha inay wasaaradda iska soo diiwaan galiyaan si loo hubiyo tayadda qalabka Dhisamaha ee Dhisitaanka Guryaha loo adeegsanayo. Sheybaarka Hubinta qalabka Dhismaha ayaa Wasaaradda Howlaha Guud Horay u lahaan jirtay balse waxaa uu ku burburay Dagaaladdii Dalka ka dhacay.
↧