Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

War Saxaafadeed ay soo saareen Guddiyada Hanaanka Doorashooyinka dadban ee Afar Maamul-goboleed

$
0
0
War Saxaafadeed Wadajir ah ayay Maanta soo saareen Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad-Goboleed oo kala ah Puntland, Galmudug, Koofur-Galbeed iyo Jubbaland, kaasi oo uu ku saabsan yahay go’aanka GXKHD 14/12/2016-ka ee la doonayo in lagu hor-istaago kuraas loogu doortay deegaan doorashooyinka dalka si sharci ah. Ugu horreyn waxaan madaxda MHQ, Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba la wadaageynaa qodobbadan hoose: GXKHD go’aankooda iyo habka dacwo qaadistuba ma waafaqsana Qodobka 14aad ee xilka iyo waajibaadka GXKHD oo dhigaya kulamada guddiga oo lagu dhageeysanayo dacwadaha waa inuu ahaado mid u furan dhinacyada ay khuseeyso, Goob-joogayasha caalamiga ah iyo kuwa gudaha. Haddabba maaddaama kulankii ay yeesheen GXKHD 14/12/2016 aan loo marin habraaca ku xusan qodobka 14aad ee xilka iyo waajibaadka GXKHD , taas waxay caddeyneysaa in ay gaareen go’aamo suuq madoow ah. Guddiyadu waxaa kaloo ay Warkooda ku xuseen in GXKHD iyo wakiilladoodu xiriir fiican lama laheyn Deegaan Doorashooyinka iyo Guddiyada Doorashada, waxayna caqabad ku noqdeen howlihii doorashada illaa ay meelaha qaar iskood uga baxeen. “GXKHD marka ay leeyihiin waxaan baarnay kuraas khilaaf ka jiro lama aysan xiriirin Guddiyada shaqada doorashada qabtay, mana aysan baarin dukumentiyada iyo hannaanka ay soo martay doorashadu, wakiillo uma joogin goobta shaqada qaarkood, mana aysan dhegeysan dhinacyada arrimahani [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles