Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maamulka Jaamacadda SKY oo shahaadooyin guddoonsiiyay arday “SAWIRRO”

Maamulka Jaamacadda SKY ayaa maanta xaflad qalin jebin ah u sameeyay 55 arday dhameystay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabadan shahaadooyin lagu guddoonayay 55 arday oo ah dufcaddii 2aad ee dhameysatay heerka Diplomaha ee kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SKY ayaa waxaa ka qeyb galay Waalidiin, arday, maamulka iyo macalimiinta Jaamacddda iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay, iyadoo xubnihii kala duwanaa ee xafladda ka hadlay ay si wada jir ah hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen ardayda maanta xafladda loo sameeyay. Maxamed Ibraahim Xasan oo ka mid ah maamulka Jaamacadda SKY ayaa sheegay in ardayda maanta qalin badalaneysa lagu dhiiri gelinayo inay qaataan shahaadooyin, ayna Jaamacaddu fursad u siisay inay halkooda ka sii wataan waxbarashada. Prof  Maxamuud Siraaji Canshuur oo ahaa Madaxii kuliyada caafimaadka ee Jaamacadda lafoole ayaa ardayda ku booriyay inay ka faa’iideystaan cilmiga ay barteen, isla markaana ay ugu adeegaan bulshadooda. Abwaan Mahad Xasan Fareey oo ka mid ah aqoonyahankii xaflada lagu casuumay ayaa goobta ka tiriyay tix gabay ah oo uu kaga hadlayay ahmiyadda ay waxbarashada u leedahay dhallinta, isagoo ku maanta la guddoonsiiyay shahaadooyinka ku booriyay inay u istaagaan sidii ay ugu adeegi lahaayeen bulshadooda. Cumar Muxudiin Cabdulle Madaxa [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles