Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Hay’adda Al-Rahma oo qalab Caafimaad ku wareejisay Maamulka isbitaalka Caabudwaaq

$
0
0
Hay’adaha Alraxma iyo Gedo Network  ayaa Maanta ku wareejiyay Isbitaalka Midnimo ee Degmada Caabudwaaq Qalab caaafimaad oo ay sii dhiibeen Jaaliyadda kunool wadanka Sweden Munaasabad laggu gudoonsiinayay qalabkan caafimaad isbitaalka Midnimo ee Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa ka qayb Galay Gudoomiyaha degmada Mahad Cumar Cilmi, Mamulka Isbitaalka Midnimo, Masuuuliyiin ka socotay Hay’adaha Alrabma iyo Gedo Network iyo qaybaha Bulshada Caabudwaaq Maaamulaha Isbitaalka midnimo C/risaaq ayaa ka mahad ceshay qalabka caafimaad waxaana uu sheegay in qalabkan uu yahay mid waxtar u ah isbitaalka iyo Bulshada Cabdinuur faarax Taano oo ka wakiil ah hay’adaha Alraxma iyo Gedo Network ayaa sheegay in qalabka mudo ay ku howlanaayeen keenista degamada  isaga oo xusay qaybaha qalabka iyo faa’iidada ugu  jirta keenistiisa Bulshada deegaanka Dr Axmed Baashi oo kamid ah Dhaqaatiirka ka hawlgasha Isbitaalka Midnimo ayaa kaga mahad ceshay dadkii isku howlay keenista qalabkan caafimaad isbitaalka Ugu dambayn Gudoomiyaha degmada Mahad Cumar Cilmi ayaa baaq u jeediyay jaaliyada waxaana uu ka codsaday in ay qaataan qaybtooda inta dhiman qalabka C/kariin Axmed Bulxan Caabudwaaq/Soomaaliya

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles