Kismayo, 05 December 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismayo ee caasimada Dowlad Goboleedka Jubbaland, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyey Mudane Ahmed Mohamed Islam (Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenadiisa, Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Abdulkadir Sheikh Ali Dini, Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Maxamed Jamac Mursal (Geele), Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdiraxmaan Dheere, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha Soomaaliya oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidamada ah ayaa isaga iyo wafdigiisa waxaa loo soo dhoweeyey si heer sare ah. Madaxweynaha oo weriyeyaasha kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay aheyd inuu la yeesho kulamo wadatashi ah Madaxda Jubbaland oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Axmed Madoobe, shacabka iyo xubnaha baarlamaanka labada Aqal si loo dedejiyo inta harsan ee doorashooyinka dalka. Madaxweynaha oo la hadlayey wariyeyeaasha ayaa yiri “Waxaan u imid Kismaayo si aan u dhiirigeliyo isla markaasna ugu ammaano Madaxda Jubbaland, Shacabka iyo guddiyada doorashooyinka ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed oo suurtogeliyey in doorashooyinka ay u dhacaan sidii loogu talogalay, kuna qabsoomaan waqtigii loogu talogalay. Sidoo kale waxaan halkan u imid inaan wadatashiyo la yeesho Madaxda Jubbaland, Shacabka iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee la soo doortay [...]
↧