Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka qeybgalay xaflad lagu xusayay dhalashada nabigeena Muxamed NNKH+Sawirro

$
0
0

WhatsAppShare

Munaasabadan lagu xusayay dhalashada nabigeena Muxamed NNKH oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ku xigeenkiisa koowaad iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano iyo boqolaal kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed.

Ugu horeyn xaflada ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan C/qaadir Macalim Nuur oo kamid ahaa dadkii soo qaban qaabiyay munaasabadda lagu xusayay dhalashada nabigeena Muxamed ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta dowladda ee ka soo qeybgashay sida ay ahmiyad weynu siiyeen xafladan.

Wasiirka diinta iyo Owqaafta ee xukuumadda Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Bagdaadi oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ahmiyad weyn u leedahay dhamaan muslimiinta in ay bartaan taariikhda nabigeena Muxamed NNKH.

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in dadka muslimiinta ay isku booriyaan jeceylka nabigeena iyo barashada taariikhdiisa si dadka ay u noqodaan kuwo markasta qalbigooda ka buuxsanto jeceylka nabigeena Muxamed NNKH.

Mudane Jawaari ayaa ka hadlay dhibaatada ay leedahay dowlad la’aanta isagoo  sheegay in ay xaaraam tahay in qof muslim ah dhiigiisa la daadiyo sabab la’aan.

Tan iyo markii ay bilatay bisha Rabiicul Awal ayaa guud ahaan dunida muslimka laga xusayay dhalashada nabigeena Muxamed NNKH iyadoo magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka lagu qabtay xafladahaasi.

DSC09386 DSC09387 DSC09388 DSC09389 DSC09390 DSC09391 DSC09392 DSC09393 DSC09394 DSC09395 DSC09399 DSC09400 DSC09401 DSC09402 DSC09403 DSC09404 DSC09410 DSC09411 DSC09414 DSC09415 DSC09416 DSC09417 DSC09419 DSC09424 DSC09430 DSC09437 DSC09438 DSC09439 DSC09446 DSC09447 DSC09448 DSC09454 DSC09456 DSC09459 DSC09462 DSC09464 DSC09467 DSC09470 DSC09474 DSC09478 DSC09488 DSC09490

 

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles