Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dhisma cusub ee jaamacadda Galgaduud oo maanta laga dhagax dhigay Cabuudwaaq+Sawirro

Munaasabad lagu dhagax dhigayay dhismaha Jaamacadda Galgaduud ayaa lagu qabtay dhul loogu talagalay in ay yeelato Jaamacada ayaa lagu qabtay magaalada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud. Munaasabadda dhagaxdhigga  waxaa ka qab galay Maamulka Jaamacada , Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Degmada, qaybaha Bulshada iyo ardayda wax ka barata Galgaduud Universty. Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Muuse Maxamed Axmed (Muuse inji) iyo Maamulaha Jaamacadda Galgaduud Universty Maxamuud Dirir ayaa si wadajir u dhagax dhigay dhismaha Jaamacadda. Maamulaha Jaamacada Galgaduud Maxamuud Dirir ayaa dhagax dhigga kaddib ayaa sheegay in jaamacadan lagu baahindoono dhamaan gobollada dalka, isagoo xusay in dhismahan cusub uu qeyb ka yahay horumatinta jaamacadda. Madaxa Aimaha Bulshada maamulka degmada Muuse “inji” oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in ka maamul ahaan  qaadan doonaan qaybta uga aadan horumarinta jaamadda si sare loogu qaado aqoonta ummadda ku dhaqan deegaanka.   C/kariin Axmed Bulxan Caabudwaaq

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles