Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay shirweyne loogu magac daray Tallo Qaran, oo lagu uruurin doono tallooyinka shacabka Soomaaliyeed, si ay ugu howl-gasho dowladda afarta sanno ee soo socota. “waxa socdo qaban-qaabada shirweynaha aan ugu magac-daray tallo Qaran, waxaa ka soo qeyb-gali doona Soomaalida gudaha iyo dibedda, u jeedadu waa in la mideeyaa tallooyinka dadka Soomaaliyeed ee dhaxal-gal ah, waxaana ka faa’ideysan doonta dowladda dhallan doonta, waxaan ku dedaalnay sidii aan u horumarin lahayn Fikradaha bulshada, maadaama tallada dalka ay iyagu leeyihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha, ayaa sheegay in weli dowladdiisu ay aaminsan tahay in tallo loo celiyo dadka Soomaaliyeed, waxaana ku kalsoonahay in shiweynahaasi ay ka soo bixi doonaan tallooyin wax weyn ku soo kordhiya dalka iyo dadkaba.
↧