Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasaaradda Warfaafinta oo la wareegtay dhismaha Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

$
0
0

WhatsAppShare

Aroortii hore ee maanta  ayaa la bilaabay burburinta, ka rarista dadka sida sharci darada ah ku daganaa dhismaha wakalada Filimada Soomaliyed ee ku taala degmada Xamar-Weyne ee gobalkaan Banaadir,intii ay socotay howshan waxaa goobta soo gaaray agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska,Soomaaliya, Taliyaha qeybta guud ee ciidanka booliska  gobalka Banaadir, iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliska .

Dhismaha wakalada Filimada Soomaaliyed oo mudo ka badan shan iyo labaatan sano  si gaar ah u daganaa ayaa  sida la sheegay horay u helay digniino ku aadan iney ka guuraan goobta, waxaana Wakaaladda Filimada la wareegay Wasaaradda Warfaafinta oo qorsheyneysa inay dib u howgeliso xaruntaasi.

Taliyaha qeybta guud ee ciidanka booliska  gobalka Banaadir sareeyo guute Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa ka warbixiyay sida ay ku bilaabatay howshaan isagoo dhinaca kale digniin u diray dhamaan dadka dagan goobaha danta guud.

Agaasimaha guud ee wasarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska,Soomaaliya mudane C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) ayaa u mahadceliyay ciidanka booliska ee howshaan qabtay isagoona xusay in wasaradu ay u baahantahay dhamaan goobihiii ay laheyd si loo howlgaliyo.

vlcsnap-2015-12-24-11h54m08s205 vlcsnap-2015-12-24-11h54m35s216 vlcsnap-2015-12-24-11h55m04s0 vlcsnap-2015-12-24-11h55m18s141

 

 

 

 

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles