Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudan oo soo dhaweeysay heshiiskii nabadeed ee ay gaareen Galmudug iyo Puntland

$
0
0
Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah aqoon yahannada wax ka barata dalka Sudaaan ayaa soo dhaweeyay heshiikii ay gaareen maamulada Galmudug iyo Puntland waxayna ugu baaqeen labada dhinac inay dhaqan galiyaan heshiiskaas. Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudaan Cabdi wali Xasan Xuseen  oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa dalbaday in heshiiska la gaaray sida uu yahay loo dhaqan galiya isla markaane nabada la taageero. Dhanka kale Maxamed Cismaan Cali  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaaddaasi soo noq noqotay ee u dhaxeysa maamullada Galmudug iyo Puntland, wuxuuna tilmaamay in ay haboon tahay in laga shaqeeyo xasiloonida iyo wada deganaanshaha labada shacab ee isla deggan Gaalkacyo. Gabagabadii aqoon yahan Maxamed Cali ayaa  sheegay in magaalada Gaalkacyo aay u baahantahay nabad ee aysan u baahneen dagaal damba oo ka dhaca, wuxuuna ku boorriyay waxgaradka Gaalkacyo iney nabadda ka wada shaqeeyaan. Waxaa soo kordhaya baaqyada nabadeed ee loo jeedinaayo maamullada Puntland iyo Galmudug, ee ah inay ka shaqeeyaan sidii loo dhaqan galin lahaa heshiiska la gaaray. Yuusufu Maxamed Macalin 

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles