Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Shabaab oo laga saaray Tuulooyin ku yaalla galbeedka Magaalada Kismaayo

$
0
0

WhatsAppShare

Howlgal ay maanta qaadeen Ciidamada maamulka Jubbaland  iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo warramayaa in la Gula wareegay deegaanno ku yaalla Galbeedka Magaalada Kismaayo.

5ka mid ah tuulooyin ku yaalla galbeedka Magaalada ayey ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM kala wareegeen  kooxda Alshabaab, iyagoo soo bad-baadiyay ciidamada Gaadiid badan oo siyaabo kala duwan  u heysteen Maleeshiyaadka alshabaab.

Tuulooyinka ugu badan ee uu dagaalku kadhacay ayaa kala ahaa Beerxaani, Qudus iyo Cabdi Dhoorre halkaas oo ay ka dheceen iska hor’imaadyadii ugu darnaa markii dambase kooxda laga saaray.

Dadka deegaanka ayaa aad u soo dhaweeyay Howlgalladaan kooxda shabaab looga saarayo Deegaannadooda.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland  ayaa sheegay in ay dib ka faah-faahin doonaa Howlgalladaan iyo sida ay u socdaan.

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles