Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maalintii Saddexaad ku sugan Baladweyn

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo wali ku sugan  Magaalada Baladweyn gobolka Hiiraan, ayaa wada kulamo wada tashiyo ah uu la qaadanayo Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa la kulmay Hogaanka dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka Hiiran,  isagoo kala hadlay dar-dar galinta Heshiisyadii Nabadeed ee dhawaan laga gaaray dagaalladii ka dhacay Baladweyne.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa kulamada ay la yeesheen Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka waxaa lagu Ballamay in markale uusan soo laaban Dagaalladii ka dhacay Magaalada Baladweyn.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo isna ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha ayaa la kulmay Waxgaradka gobolka Hiiraan, isagoo kala hadlay dhameystirka Nidaamka Federaalka oo ay dowladdu qaadatay iyo sidii loo soo da-dajin lahaa hanaanka mamul u Samaynta dadka daga gobollada Hiiraan iyo shabeellaha Dhexe.

Todobaadkan waxaa billaaban doona kulamo looga hadlayo Maamul U samaynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles