Safiirka Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa u sheegay wariyayaasha isagoo ku hadlaya codka dowladdiisa in ciidamadooda jooga Soomaaliya aysan baqdin galin doonin weerarada argagixisada Al-shabaab ee nafla caariga ah. Waxaana uu tilmaamay Safiirka in ciidankoodu uu u yimid Soomaaliya gudashada waajibaad walaalnimo iyo mid qaranimo islamarkaana ay xaqiijin doonaan oo ay Soomaaliya sii joogi doonaan. Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay ciidamada jabuuti ka joogo dalka Soomaaliya in ay gudanayaan waajib ka adag midka saaran ciidamada kale ee Amison waxa uuna xusay in uu jiro xiriir walaaltinimo oo adag oo ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Jabuuti.
↧