Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Natiijada Doorashada madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay

$
0
0
Gudoonka Baarlamanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada madaxwynaha Hirshabeelle oo uu ku guuleystay  Cali Cabdulaahi Cosoble oo helay 61 cod halka musharaxi la tartamayay uu helay 36. Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle ayaa sheegay in tirada xildhabaanada Hirshabeelle ay tahay 117 balse ay fadhiga soo xaadireen 98 xildhibaan wuxuuna tilmaamay in hal cod uu xumaaday  isagoo xusay in 61 ay u codeeyeen Cali Cabdulaahi Cosoble sidaasina uu ku noqday madaxweynaha Hirshabeelle. Musharaxi laga guuleeystay mudane Waare ayaa u hambalyeeyay madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble isagoo qiray in uu ku qanacsanyahay habka doorashadu u dhacday. Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa lagu dhaariyay isla madashi lagu dooratay, waxaana goordhow bilaabanaya doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo ay u tartamayaan labada Musharax ee kala ah Cali Cabdulahi Guudlaawe iyo Cali Xasan .

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles