Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna soo bandhigayay musharaxnimada xildhibaanka Qaran ee Mina Xasan Shibis ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Global ee magaalada Muqdisho. Xaflada waxaa ka qeybgalay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka F. S. aqoonyahanno, xubno ka socday qeybaha bulshada, haween kooxda fanaaniinta Shamsudiin iyo martisharaf kale oo lagu casuumay. Kooxda Fanaaniinta Shamsudiin ayaa munaasabadda ku soo bandhigtay heeso wadani ah iyo kuwo ka tarjumayay waxqabadka Drs. Mina, taasoo ay jecleysteen dhamaan ka qeybgalayaashi xafladaasi. Wasiirki hore ee maaliyadda Xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow, Prof. Dhalxa iyo mas’uuliyiin kale oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa si isku mid ah u qiray in Drs. Mina Xasan ay mudantahay in loo doorto xubin ka mid ah baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Drs. Mina oo munaasabadda soo gudaanaday ayaa tilmaantay in ay tahay musharax u taagan xildhibaan qaran kaddib markii ay ku dhiirigeliyeen bulshada gobolka Banaadir, waxeyna hoosta ka xariiqday iney si wadaniyad iyo dadnimo leh ay ugu adeegi doonto dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee tabaaleeysan. Taariihnoloeedka Drs. Mina Xasan. Waxey ku dhalatay degmada Shibis ee gobolka Banaadir waxbarashadeeda dugsiga sare ilaa heer jaamacadeed waxeey ku dhameysatay Muqdisho. Meelo kala duwan ayeey ka soo shaqeysay sida wasaaradda caafimaadka, Bisha cas ee Soomaaliya oo ay ku [...]
↧