Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Sawirro: Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaliya

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 01 Oct, 2016 Qasriga Madaxtooyada maamul goboleedka Puntland ee Garoowe ku qaabilay wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michel Carvone. Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee maamul goboleedka Putland Shire Xaaji Faarax iyo Agaasmiha guud ee Madaxtooyada Putland Deeq Saleebaan Yuusuf waxaana looga hadlay sidii loo sii dar-dargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee uu midowga Yurub ka fuliyo Puntland oo ay ka mid tahay barnaamijyada caafimaadka, dhismaha iyo dib u dayactirka waddada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo iyo mashaariico kale oo tiro badan oo midowga Yurub uu ka fuliyo Puntland. Wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador Michel Carvone ayaa maamulka Puntland ku ammaanay sida ay uga faa’iidaysaneyso mashaariicaha horumarineed ee uu midowga Yurub ka fuliyo Puntland, isla markaana waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan taageeradooda ay la garab taagan yihiin Puntland. Michel Carvone ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka dadban ee dalka ka qabsoomi doona dhawaan waxa uu ku bogaadiyey dawlad goboleedka Puntland sida ay uga go’antahay in dalka Soomaaliya uu hore u socda iyo in la helo dawladnimo Soomaaliyeed oo cageheeda isku taagta. [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles