Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciidamada XDS ee Danab oo howlgal ku dilay maleeshiyaad ka tirsana Shabaab

$
0
0
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Cali Baashi Maxamed oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa shaaca ka qaaday in cutubyo ka tirsan Ciidamada XDS gaar ahaan kuwa Danab ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen tuulada Gaanjo-roon oo hoos tagta deegaanka Beerxaano ee gobolka Jubbada Hoose. Janaraal Cali Baashi Maxamed ayaa sheegay in ciidamda ay howlgalladaasi ku qaarijiyeen sided ka tirsan nabad diidka Al-shabaab, islamarkaana ay nolosha ku soo qabteen tiro kale oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaanahaanba waday howlgallo lagu baacsanaayo haraadiga kooxda Al-shabaab,ayagoona Howlgalo ay horay u fuliyeen ku Dilay Horjoogayaal ka Tirsan koxdaasi.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles