Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddoomiyihii hore Bangiga Horumarinta Islaamka oo shaqada ka fariistay

$
0
0
Maamulka iyo shaqaalaha Bangiga horumarinta Islaamka oo Xaruuntiisa ku taal magaalada jidehh ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa u sameeyay xaflad sagootin ah oo lagu xushmeynayo Guddomiyahoodii hore Dr.  Axmed Mahamed Ali,kadib markii muddo 58 Sano ah uu  ku guda jiray hawsha. Hadal uu munaasabadaasi ka jeediyay Amiirka Mandiqada Maka Al-Mukarama Amiir Khaalid Al-Faysal, waxa u ka warramay waxqabadka Guddoomiyihii hore ee Bangiga horumarinta Islaamka Dr. Ahmed Mahamed Ali oo shaqada ka fariistay, wuxuuna soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Bangiga  Dr. Bandar Xijaz. Wasiirka Maaliyadda ee  Sacuudiga Dr. Ibrahim Alascaf  oo isna hadal gaaban xaflada ka jeediyay wax u amaanay Dr. Ahmed Mahemed Ali, sidii niyad samida lahayd  ee uu wadamada Islaamka ugu adeegay iyo kaalintii uu ka qaatay horumarinta hawlah Bangiga Islaamka mudadii uu xilka hayay, wuxuuna  Guddoomiyaha cusub ee Bangiga kula dardaaramay inuu sii ambaqaado shaqadii uu qabtay Guddoomiyihii isaga ka horeeyay. Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Iyad Madani ayaa isna ka hadlay guulaha uu gaaray Bangiga horumarinta Islaamka mudadii uu xilka hayay Guddoomiyihii hore  Ahmed Mahamed Ali. Guddoomiyihii hore ee Bangiga horumarinta Islaamka Dr. Axmed Mahamed Ali oo  Sanadkii 1934 ku dhashay magaalada Madina Al-munawara waxa uu bartay Culuunta Ganacsiga, Adaabta, falsafada iyo maamulka guud.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles