Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kulan wada tashi ah kula yeeshay qeybaha kala duwan ee dhallinyarada Soomalaiyeed. Kulanka oo qeyb ka ah taxanaha talowadaag & xaldoon oo ay taabagelinayaan Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu lafa guray waxyaabaha ka qabsoomay tiirarkii lixda ahaa ee dowladda Soomaaliya, iyadoo dhallintu ay Madaxweynaha u soo jeediyeen tallooyin dhaxal gal ah, oo qeyb ka noqon kara qorshaha qabyatirka howlaha Qaranka. Dhallinyaradan oo ka kala timid qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyaro ciidamada ka tirsan, Dhallinyaro ganacsato ah, Dhallinta Garsoorka ka shaqeeysa ama bartay, Dhaqaatiir, macalimiin, u dhaqdhaqaaqayaal arrimaha bulshada, Dhallinyaro Gobollada ka timid, Qurbajoogta iyo wariyeyaal. Dhallinyaradu waxa ay isla qireen guusha laga gaaray hirgelinta qorshaha lixda tiir oo ahaa qorshahii dowladeed ee ugu horreeyay tan iyo burburkii dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya Janaayo 1991 iyagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la qabyatiro howlahaasi soo socday si loo gaaro horumar waara. Madaxweynaha oo markii uu warbixannada dhageystay dhallinta la hadlay ayaa sheegay in talooyinka ay dhallinyaradu soo bandhigeen ay dhammaan ahaayeen kuwa dhaxalgal ah oo xilligii loo baahnaa ku soo beegmay. “Dhallinyarada waa qeybta ugu muhiimsan bulshada, in taladooda la dhageysto oo [...]
↧