Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Mas’uuliyiinta Galmudug oo ka shiray sare u qaadidda amniga iyo dhaqaalaha+Sawirro

Golaha wasiirrada Maamul Goboleedka Galmudug, oo maanta shir ku yeeshay Cadaado ayaa ka wadahadlay Miisaaniyadda Dowlad goboleedkaasi, ilaha dhaqaalaha iyo dardar gelinta sharciyada Amniga. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa shir gudoominayay shirkaasi, waxaa ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Maxamed Farax Axmed, wuxuuna halkaasi ka soo jeediyay cadadka miisaaniyadda 2016-ka iyo sidii loo horumarin lahaa ilaha dhaqaalaha daqliga ka soo xarooda. Wasiirka wasaaradda Amniga Galmudug, Cusmaan Ciise Nuur (Taar dhuleed) ayaa isna shirka golaha hordhigtay sharciyadda wasaarada Amniga Galmudug, wuxuuna sheegay in qorshe cad loo samayn doono Amniga guud ee Galmudug, kaddib markii ay muddo ka munaaqishoonayeen qaabka loo wajahayo.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles