Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xaalad degdeg ah oo  ah oo lagu soo rogay magaalada  Charlotte ee gobolka North Carolina

$
0
0
Barasaabka gobolka North Carolina ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah kadib markii magaalada Charlotte ay ka dhaceen rabshado iyo deganaan la’aan u dhexeeya ciidamada Boliiska iyo dadweynaha magaaladaasi Barasaabka ayaa intaa ku daray in ciidamafa ilaalada Qaranka Mareykanka loo soo diray magaaladaasi kadib kolkii habeenkii labaad ay magaalada Charlotte ay ka socdaan banaanbaxyo ay dhigayaan dadweynaha Dadka banaanbaxaya ayaa ka careysan ciidamada Boliiska oo dilay  nin 43-sano jir ah oo madoow ,kaas oo lagu magacaabo  Keith Lamont Scott, iyagoo dhaawacay dad kale oo kujiray ka qeybqaadashada isu soo baxaasi . Boliiska ayaa ku andacooday in ninkaasi dhintay uu watay Bistoolad,halka waalidka dhalay marxuumkaasi ay xaqiijiyeen in marka la dilayey uu akhrisanaayey Buuk Rabshadaha socda labada cisho aayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen 16-sarkaal oo boliis ah

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles