Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maalinta nabadda adduunka oo maanta laga xusayo Muqdisho

Munaasabado kaladuwan oo lagu maamuusayo maalinta nabadda adduunka oo ku asteysan maanta ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu muujindoono ahmiyadda ay nabadgelyadu u leedahay bulshada Soomaaliyeed. Gudoomiyaha xarunta wadahadalka dhalinyarada Soomaaliyeed Guhaad Sheekh Xasan oo saaka la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay ku asteysantahay maalinta nabadda adduunka sidaasi darteedna ay xarunta wadahadalka dhallinyarada Soomaaliyeed  qaban qaabineyso munaasabad lagu weyneynayo maalinta nabadda taasoo ka dhicidoonto magaalada Muqdisho. Guhaad Sheekh Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in xaruntu waddo dadaallo ku saabsan sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa qiimaha nabadgelyadu u leedahay noolaha oo dhan, iyo sida loogu baahanyahay in dhallinyaradu hormuud u noqoto helidda nabadgelyo waarta oo tisqaadda dalkeena Soomaaliya.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles