Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Taliyaha booliiska oo la kulmay saraakiil midowga Yurub ka tirsan-Sawirro

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed sareeyo gaas, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo ay wehliyaan qaar kamid ah saraakiisha booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay saraakiil ka socota midowga Yurub. Saraakiisha ka socotay midowga Yurub ayaa waxaa hogaaminayay haweeneyda lagu magacaabo, Ms Maria Cristina-Stepanescu, oo madax ka ah qeybta tababarada siisa ciidamada badaha wadamada geeska Afrika. Taliyaha booliiska Soomaaliya ayaa saraakiisha midowga Yurub ka socotay waxaa uu kala hadlay sidii gacan ugu geysan lahaayeen dhismaha iyo qalabeynta booliiska Soomaaliya. Kulanka ay wada yeesheen kadib  ayaa saraakiisha midowga Yurub ka socotay waxaa ay kormeereen dugsiga tababarada ciidamada booliiska Soomaaliyeed ee Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa inta badan hela taageero badan oo lagu xoojinayo dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles