Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Akhriso: Khudbadda Madaxweynaha ee Ciidul Adxaa 2016

$
0
0
Muqdisho, 12 September 2016 Bismillahi Raxmaani Raxiim Al Salaamu Caleykum Wa Raxmatullahi wa Barakaatu Allahu Akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar, Laa Ilaaha Illa laahu , Allahu Akbar wa Lillaahil Xamdu Ciid Wanaagsan, Ummadda Soomaaliyeed maal kasta oo ay joogaan. Ilaahay ayaa mahad leh inaan maalintan weyn ee barakeysan aan nabad ku wada ciidno. Waxaan munaasabadda ciidda awgeed hambalyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan caalamka Islaamka, waxaana leeyahay Ciid Mubaarak meel kasta oo aad joogtaan. Ciidul Adxa waa mid ka mid ah ciidaha waaweyn ee caalamka islaamka oo loo baahan yahay in Ummaddu ay farxadda wadaagaan. Sidaa darteed waxaan shacabka Soomaaliyeed farayaa inay sidii caadiga ahayd munaasabaddan isku naxariistaan oo kooda liita ay fadliga Ciidul Adxaa awgeed ugu kaalmeeyaan. Nabadgelyada iyo farxadda aan maanta ku ciideyno waxay qeyb ka tahay guulaha aan ka gaarney dib u dhiska dowladnimadeena iyo soo celinta nabadda iyo kala dambeynta, inagoo qireyna in wax badanna ay inoo dhiman yihiin. Waxaa inagu soo fool leh shir madaxeed muhiim ah oo qabsoomidiisa ay ka tarjumeyso dib u soo noqoshada sumcaddii iyo sharaftii aan ku lahayn gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waa markii ugu horaysey ee madaxda IGAD ku kulmaan Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay 1986-kii. Tallaabooyinka [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles