Shaldhig Booliis oo ku yaala magaalada Mombasa ayaa lagu soo waramayaa in lagu qaaday weerar sababay dhimasho iyo dhaawac. Warka ayaa intaasi ku daraya in laba haween ah lagu dilay toogasho sidoo kalena lagu dhaawacay Sarkaal ka tirsan booliiska Saldhigaasi, kadib markii dagaal saaka lagu qaaday Xaruunta Saldhigga Booliska ee Magaalada Mombaasa. Warar loo helay si hordhac ah ayaa tilmaamay in labada haweenka ah ee la dilay ay xirnaayeen dharka Xijaabka ah, markii ay toogteen Booliska, iyadoo la sheegayo in ay ka shakiyeen Haweenkaasi Ilaa iyo hadda lama hayo faah faahino dheeraad ah oo ku saabsan weerarkaasi oo la sheegay in loo adeegsaday qaraxyo iyo bambooyin. Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi iyo khasaarihii ka dhashayba.
↧