Dugsi ciidan oo ku yaala dalka Uganda ayaa shalay tababar loogu soo xiray 43 askari oo ka tirsan booliiska Soomaaliya kuwaasoo loo soo gebagebeeyay tababar leyli Sarkaalnimo, waxaana nubaasabadi xiritaanka tababarkaasi ka qeybgalay taliyaha ciidanka XDS saraakiil booliis oo ka socotay waddamo Afrikan ah iyo madaxweynaha Uganda. Ciidanka Soomaalida ayaa ka yaabsaday madaxdii ka qeybgalay munaasabadaasi kaddib markii ay halkaasi ku soo bandhigeen gaaddo ka ciyaar cajiib ah, iyadoo si gaar ah uu indhaha madaxdaasi u soo jiitay sida cajiibka ah ee uu salaanta u bixinayay askarigii horkacayay ciidamadaasi kaasoo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaah. i
↧