Dhul baaxadiisa ay dhan tahay 16,080-Mitir isku wareeg ah oo laga dhisi doono Xarunta Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayuu Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa magaalada Mudisho maanta ku wareejiyay Guddiga, iyadoo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ay wehlinayeen Guddoomiye ku xigeenka iyo xubnaha kale ee Guddiga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay kormeer ku soo sameeyeen dhulkaasi oo dhismihiisa dhawaan la bilaabi doono. Xarunta loo sameynayo Guddiga oo laga dhisayo agagaarka garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa qarashka ku baxaya waxaa bixinaya Dowladda Japan iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee magaceeda loosoo gaabiyo UNDP, wuxuuna dhismaha Xarunta socon doonaa mudo saddex sano ah. Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xalimoo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo si wadajir ah ula hadleen Warbaahinta Qaranka, waxaana Gudoomiye Yuusuf oo hadalka ku hormaray uu sheegay in ujeedka guddiga loo siiyay dhulkan ay tahay in shacabka iyo siyaasiyiinta dowladda ka madax banaan ay fursad uheelaan inay la macaamilaan Guddigan oo u xilsaaran hirgalinta Doorasha qof iyo cod ah oo la filayo in sanadka 2020 ay dalkeena ka dhacdo. “Maanta dhulkaan aan guddiga doorashooyinaka [...]
↧