Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kulan su’aalo lagu weydiinayay wasiirka Dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

$
0
0

WhatsAppShare

Kulan su’aalo lagu weydiinayay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Max’ed Cabdulaahi Xasan Nuux ayna soo qaban qaabiyeen ururka Midowga Ardayda jamacadaha oo kaashanaya hay’adda Kimoonakis ayaa manta lagu qabtay Muqdisho.

Dooddaan oo ku saabsaneed siyaasadda Dhalinyarada iyo Baahiyaha Gaarka ah ee dhalintu ay la kulmaan  waxaa ka soo Qeyb galay Dhalinyaro Laga soo xulay Jamacadaha Mogdisho iyo ururo Maxalliya oo ka Hoowlgala Magalada Muqdisho.

Dr .  Omar Aden Roble Gudoomiyaha Midoowga ardayda Jamacadaha oo soo qaban qaabiyay Kulanka ayaa tilmaamay kulamada noocan oo kale ah ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

Qaar ka mida Dhalinyarada ayaa weydiiyay Wasiirka Su’aalo la xariira Siyaasadda Dhalinyarada iyo Shirwaynaha Dhalinyada ee la filayo in uu berri ka furmo magalada Mogdisho.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux ayaa si faah faahsan oo saraaxad leh uga jawaabay dhammaan Su’alihii ay Weydiiyeen dhallinyarada, isagoo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay siyaasadda dowladda ee  u wajahan horumarinta dhallinyarada.

Kulankan ayaa ku aadaya xilli wasaaradda Dhalinyarada ay waddo wadatashiyo ay la Sameynayso Dhalinyarada Gudaha iyo Kuwa Dibada, waxaana maalinta berry ah lagu balansanyahay in shirweyne Qaran oo looga hadlayo aayaha dhallinyarada Soomaaliyeed kaasoo ay qeybgeli doonaan dhalinyaro ka kala timid gobollada dalka iyo dibadda.

IMG_7813 IMG_7819 IMG_7820 IMG_7823 IMG_7837 IMG_7876 IMG_7879 IMG_7893

 

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles