Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiqaadir Cabdi Xaashi oo maalinkii labaad ku sugan dalka Suudaan ayaa waxa uu booqasho ku tagay Jaamacada Neeliyn oo ay dhigtaan ku dhawaad 80-kun oo arday iyo Axfaad oo kamida jaamacadaha Suudaan sidoo kalena Ka qayb galay Mashruuc lagu hirgalinayay Cilmi baarista ay suudaan samaysay 2016. Wasiirka ayaa booqashadiisa Jaamacadda Niileyn waxa uu kulan kula qaatay maamulaha Jaamacadda Prof Maxamed Al-amiin, iyagoo ka wada hadlay sidii ay Jaamacadan xiriir u wada samayn la haayeen Jaamacadaha Soomaaliya, islamarkaana ay qayb kaga noqon lahayd sare u qaadida tayada tacliinta sare ee Soomaaliya. Guddoomiyaha Jaamacadda Niilayn Prof Maxamed Al-amiin ayaa Wasiirka kaga mahadceliyay booqshadiisa, isagoo sheegay inay sharaf u tahay in uu Wasiirku yimaado Jaamacadan, waxa sidoo kale balan qaaday in doorkooda ay ka qaadan doonaan sidii loo horumarin lahaa, korna loogu qaadi lahaa Tayada jaamacadaha dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale booqasho ku tegay Jaamacada Axfaad ee gaarka hablaha ayna dhigtaan gabdho badan oo Soomaali ah, isagoo kala hadlay maamulaha Jaamacadaasi Prof Gaasim Albadri sidii loo horumarin lahaa waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed loona siin lahaa fursado ka badan inta ay haatan helaan. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Soomaaliya Cabdiqaadir Cabdi Xaashi oo uu wehlinayay [...]
↧