Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Jaamacadda SIU oo sagootisay in ka badan 80 arday iyo wafdigii ka socday  5 Jaamacadood oo dibada ah “SAWIRRO”

$
0
0
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad sagootin ah oo Jaamacadda SIU  ay u sameysay in ka badan 80 arday iyo waftigii ka socday Jaamacadaha saaxiibka la ah ee ka qeybqaatay xafladdii qalinjabinta SIU, kuna sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho. Xaflad sagootinta oo ardayda baxday oo tiradoodu gaareyso 85 arday oo ka tirsan kuliyadaha Caafimaadka iyo Injieeriyada, laguna qabtay garoonka diyaaradaha Aadan-cade ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka qeyb galay Xildhibaan Prof Cabdiraxmaan Ibbi, Maamulka Jaamacadda iyo waalidiinta ardayda la sagootinayay, kuwaasi oo sanad waxbarasho ku soo qaadan doono Jaamacadaha kala ah Makerere University, Mbrara University of Science and Technology, Gulu University,  Kenyatta University iyo University of Nairobi, ee dalalka Uganda iyo Kenya. Abshir Maxamed Cadow oo ku hadlayay magaca waalidiinta ayaa maamulka Jaamacadda uga mahadceliyay tayaynta taclinta sare, ardaydana ku booriyay inay ka faa’iideystaan fursadan, isagoo xusay inay marqaati ka yihiin in u badkooda ka faa`iideysanayaan fursadaan qaaliga ah ee ay maamulka Jaamacadda SIU u sameynayaan. Hormuudka kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda SIU, Dr. Cali Maxamed Jimcaale ayaa tilmaamay in ay tahay dufcaddii 3aad ee ay Jaamacadda dalka dibadiisa u dirto, kuwaasi oo qeyb ka ah heshiisyada caalamiga ah ee ay Jaamacaddu la gashay Jaamacadaha ku yaala bariga [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles