Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

$
0
0
Mogadishu, 27 August 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Al-Shabaab oo lagala wareegey deegaanka Buulo-Xaawo, Badeecado dhacday oo lagu qabtay Dekedda Muqdisho, Madaxii Qaraxyada Al-Shabaab ee Baardheere oo la qabtay, Ciidanka Ammaanka oo shacab farabadan ka badbaadiyey Weerarkii Argagaxisada ee Benadir Beach Restaurant, Baarlamaanka oo soo bandhigay waxqabadkooda 4tii sano, Talista Ciidanka Asluubta oo horumar ballaaran ku tallaabsaday, Buundada deegaanka Tixsiile oo dayactir lagu sameeyey, Qalab caafimaad oo la gaarsiiyey MCH-ka Kaaraan iyo Ciidanka Booliska oo 5 ruux u soo qabtay weerar bamboo gacmeed ah. Al-Shabaab oo lagala wareegey deegaanka Buulo-Xaawo Ciidanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa xukuumadda Soomaaliya ayaa 22kii August 2016 Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Buulo-xaawo inta u dhaxeysa Bardaale iyo degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cari-Case ayaa sheegay dagaalka ka dhacay Buulo-xaawo in ciidanka ay ugu suura gashay in ay la wareegaan deegaankaasi iyo tuulooyin hoostaga. Badeecado dhacday oo lagu qabtay Dekedda Muqdisho Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 21kii August 2016 gacanta ku dhigay [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles