Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dagaalkii Baladweyn oo Heshiis laga Gaaray “SAWIRRO”

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share

Kulankaan oo ay wada yeesheen Beelihii ku dagaallamay Gobolka Hiiraan iyo Hogaanka Dhaqanka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada muqdisho, iyagoo wada gaaray Heshiis xabad joojin ah.

Ugaas C/raxman Ugaas C/llahi Ugaas Maxamed oo kahadalay Shirka ayaa Aad u  soo dhaweeyay Shirka Muhiimka ah oo ay  isugu  yimadeen BeelahaWalaalaha oo dirirta ku dhexmartay MagaaladaBaladweyene.

“Anigoo ah Ugaaska Beesha Gaaljecel Waxaan ku dhawaaqayaa in aan Qaadanay Hishiis Xabad Joojin ah iyo Nabad, Waxaa faraya Dhammaan Dadka ku dagaallamay Baladweyne in ay Dagaalka Joojiyaan ,Maanta waxaa Caddeyneynaa in Beesha dhibka nadhexmaray in aan islaqaadanay Hishiis Xabad joojin, Xabadda in la Joojiyo oo maleeshiyadka la ka la qaado ayaan isku raacnay, waana Fulineynaa Howshaas”ayuu yiri Ugaas C/rxman.

Islow Cismaan Shiikh Xasan Wakiilka Wabarka Beesha Jajeelle oo shirka ka hadlay ayaa siweyn u soo dhaweeyay Hishiiska Xabad Joojinta iyo Nabadda ay isla qaateen BeelahaWalaalaha ee ku Dagaallamay Baladweyne.

“Waxaa siniyad ah u soo dhaweynayaa Hishiiska Xabad joojinta aan wada gaarnay, HalkaanWaxaa fadhiya Ugaaska anigana waa WakiikaWabarka si cad ayaan u sheegaynaa  in aan qaadanay Nabadda, Waxaana kudhawaaqnay Hishiis Xabad Joojin” Ayuu Yiri Islow Cismaan.

Islow Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi oo kahadlay Shirka ayaa labada dhinac uga Mahadceliyey sida ay  usoo dhaweeyeen Waan waantii iyo Nabaddii ay wadeen Hogaanka dhaqanka GobolkaHiiraan

Ugaas C/naasir Ugaas Nuur Cismaan oo ka mid ah Hogaanka dhaqanka ayaa bogaadiyey Hishiiska Xabad Joojinta ay  wada Gaareen BeelahaWalaalaha, waxauuna soo Jeediyey Duco in Illaahay Qaboojiyo dhibka kadhacay, Mardambana dib u soolaaban.

“Qofwalbo wuu faraxsanyahay waxaana caddynaynaa  in  hogaankii dhaqanka ay isla qaateen Nabadda iyo Xabad Joojinta”ayuu Yiiri Ugaas C/naasir.

Shirkaan oo ay soo abaabuleen Hogaanka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu si isdabajoog ah uga Socday Magaalada Muqdisho, waxaana ugudambeyntii la is horkeenay Labadii Beelood  ee ku dagaallamay Baladweyne, waxayna direen Baaq-Wadajira oo ku saabsan Hishiis Xabad Joojinta iyo Qaadashada Nabadda.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
1
Image may be NSFW.
Clik here to view.
3
Image may be NSFW.
Clik here to view.
6
Image may be NSFW.
Clik here to view.
7
Image may be NSFW.
Clik here to view.
8
Image may be NSFW.
Clik here to view.
9
Image may be NSFW.
Clik here to view.
10
Image may be NSFW.
Clik here to view.
11
Image may be NSFW.
Clik here to view.
12
Image may be NSFW.
Clik here to view.
13
Image may be NSFW.
Clik here to view.
14
Image may be NSFW.
Clik here to view.
15
Image may be NSFW.
Clik here to view.
16
Image may be NSFW.
Clik here to view.
17

 

AbdirahmanMoha’ed Ali (Black)

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles