Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Khartoum kula kulmay Gudoomiyaha Jaamacadda Afrika.

$
0
0
Wafdi oo uu hor kacayo wasiirka Arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Odowaa oo habeenimadii xalay ahayd gaaraydalka Suudaan ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Gudoomiyaha jaamacadaasi. Kulankaas oo ay goob joog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Cabdulaahi Ugaas ayaa waxaa looga hadlay xariirka labada dowladood iyo arrimo quseeya dhanka waxbarashada iyo heerka ay gaarsiisan tahay. Wasiir Odowaa oo ahaa ardaydii ka aflaxday Jaamacadaas ayaa aad ugu mahadnaqay Maamulka Jaamacadda, Dowladda iyo shacabka Suudaan intaba sida ay u garab istaageen da’yartii Soomaaliyeed ee waayay waxbarasho ay ku helaan gudaha dalkooda kadibna usoo huleelay in ay waxbarasho u soo raadsadeen walaalahood Suudaan. Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay jireen arday badan oo dhibaato usoo marey in ay Suudaan soo gaaraan si ay waxbarasho u helaan oo ay kasoo waayeen wadamo badan oo daris ah lkn ay suudaan ka heleen. Wasiirka ayaa sidoo kale aad ugu mahadnaqay Maamulka Jaamacadda Afrika in ay kasoo qayb galeen shirkii Tacliinta sare oo ay qabatay Jaamacadda Umadda kaasoo ka dhacay magaalada muqdisho bilowgii bishan. Dhankiisa Gudoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd ayaa isagana u mahad celiyay booqashada uu wasiirka soo booqday Jaamacadda Afrika [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles