Kulanka Khamiislaha ahaa ee golaha xukuumada Jubbaland oo uu maanta shir gudoomiyay madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin hindiso sharciyeedkii dhulalka ay dowladdu leedahay ee ay shacabku deganyihiin oo ay shaley baarlamaanka maamulkaas ansixiyeen. Golaha Xukuumadu waxaa ay soo dhaweeyeen ansixinta golaha Baarlamaanku uu meel mariyay qodobkaas waxaana ay isku raaceen in la sameeyo guddi wacyi galin oo dadka la hadla ka hor inta aan la fulinin hindisahan. Wasaaradda Maaliyadda ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa golaha wasiirada waxaa ay u soo gudbisay miisaaniyadda 19 ka wasaaradood iyo hay’adaha kale ee dowladda maamulka. Miisaaniyadii hore ee ay meel mariyeen baarlamaanka ayay Wasaaradda maaliyaddu ku dartay wasaarado cusub taas oo ka dhigaysa miisaaniyada 19 Wasaaradood oo kamid ah Xukuumada. Wasaaradaha Madaxtooyada iyo amniga ayaa kaalmaha ugu horeeya kaga jira kala saraynta miisaaniyadda.
↧