Rabshado lagu boobayo goobaha ganacsiga Soomaalida ee ku yaalay xaafadda Strand ee hoos timaado magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ay ka dhaceen xaafadaasi, ayada oo sido kale dadka deegaanka ay gubeen gaari yar oo uu watay mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida. Dadka Deegaanka Xaafadda Strand ee boobka geystay ayaa ka carooday kadib markii ganacsade Soomaali ah uu nafta dhaafiyay mid ka mid ah dadka deegaankaasi oo uu muran dhax maray, waxaana taasi ay keentay in shacabka ay bilaabaan banaan bax ay uga soo horjeedaan ganacsatada Soomaalida ee deegaankaasi ganacsiga ku heysta. Ilaa 8 Dukaan ayey boobeen shacabka waxaana laga soo raray goobo kale oo ganacsi kuwaa oo la keenay xaafadaha u dhow dhow deegaanka uu dhibka ka dhacay sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Cabdulle Xuseen Cadaan ka mid ahaa Ganacsatada hantidooda la boobay. “Waxaan tegay xalay markii dilka dhacay markaa dukaanka galay, waxaa yimid dadkii ninka laga dilay iyo shacabkii kale, waxaa nagu bilaabatay dhagxaan iyo dagaal kaddib gaarigeyga oo banaanka yaalay ayey gubeen, waxaana ay bilaabeen boobka”ayuu yiri Cabdulle. Sahra C/laahi Jimcaale waxaa ay ka mid tahay Ganacsatada Soomaalida ee deegaankaasi ku noola in ka badan 10 Sano halkasi ku [...]
↧