Heyadda maxaliga ah ee SYPD oo kaashaneeysa heyadda Diakonie Katastrophenhilfe (DKH) ayaa soo gabagabeeysay qeeybinta deeq raashiin ah oo la gaarsiiyay dad dhibaato kasoo gaartay fatahaado bilahii lasoo dhaafay ee sanadkan saameeyay degmada B/weyne ee Gobolka Hiiraan. Qeeybinta deeqdan oo socotay laga bilaabo 7-dii bishan August 2016 ayaa manta lasoo gabagabeeyay waxaana ka faaideestay qoysas gaaraya 1,220 qooys oo ku nool Kow iyo Toban Tuulo oo hoostaga degmada B/weyne sida Deefoow, Doonkudle, Xaskule, Qoydo, Kabxanley, Bacaad, Dhariyow, Lafoole, Leebow, Helokaliya, iyo Hoodleey. Deeqdan oo ay Maalgelisay Wasaaradda Arimaha Dibedda Jarmalka ayaa wax ka tari doonta sidii dadka dhibban ee ku waxyeeloobay fataahadihii degmada Beledweeyne ay ku heli lahaayeen cunno inta ay kasoo kabanayaan saameeynta fatahaadda.
↧