Malaayiin dadka reer Turki ah ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaala magaalada Istanbul ee dalkaas, dadka ka qeybgalay isu soo baxa ayaa lulayay calanka Turkiga, iyadoo dibad baxa ay ka qeybgaleen madaxweynaha Turkiga iyo axsaabta siyaasadda ee dalkaas marka laga reebo kuwo Kurdiyiinta ah. U jeedada isu soo baxa ayaa lagu sheegay in la muujiyo sida dadka Turkiga u dhashay ay ugu soo horjeedaan falalka lagu carqaladeynaayo amniga iyo deganaanshaha dalkaas gaar ahaan isku daygii afgambi ee fashilmay oo 15 bishii la soo dhaafay ka dhacay dalkaas iyo in la xasuusto dadkii ku dhintay isku daygaas intii uu socday. Isu soo baxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xisbiga talada haya ee AKP, waxaana fagaaraha Yenikapi ee magaalada Istanbul uu ahaa mid si weyn ay ugu soo qeybgaleen tiradii markii hore loogu talagalay. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo malaayiinta banaan baxa ka qeybgalay khudbad u jeediyay ayaa u mahadceliyay dadka Turkiga kaalintii ay ku lahaayeen in ay ka hortageen isku daygii afgambi ee dhicsoobay,isagoo sidoo kale u mahadceliyay hogaamiyeyaasha axsaabta siyaasadda dalka iyo ciidamada qalabka sida ee wadankaas. In ka badan 15, 000 oo booliis ah ayaa ammaanka goobta banaan baxa sugayay. Madaxweynaha ayaa markale ku celiyay in [...]
↧