Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo deeq lacageed gaarsiiyey Orodyahan Muqdisho ku dhibaateesan “SAWIRRO”

$
0
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Faederaalla Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa ayaa deeq lacageed gaarsiiyey dhibane Cabdinaasir Saciid Ibraahim (Kaneeco) oo mudooyinkaan ku xanuusanayey magaalada Muqdisho, waxaana deeqdaan Wasiirka uu u Wakiishey Ururka Suxufiyiinta Gobolka Banadir . Deeqdaan Lacageed ayaa waxay dhameyd Kun doollar, waxaana gaarsiiyey Maxamed Axmed Siyaad ( Black) wuxuuna Deeqdaas Guddoonsiiyey Dhibanaha Aabihii Saciid Ibraahim. Maxamed Axmed Siyaad ( Black) oo ka hadley goobta ayaa sheegey in deeqdaan lacageed uu soo dhiibey Wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo u Mahadceliyey Dhamaan intii ka qayb qaadatey ama ka damqatey Cabdinaasir Kaneeco oo ugu horeeyo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Bahda Cayaaraha oo iyaga Fududeeyey Deeqdaas in ay gaarto Dhibana Cabdinaasir Kaneeco. Aabaha dhalay Dhibanaha Saciid Ibraahim ayaa u Mahaceliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Oodwaa iyo Bahda Saxaafadda, wuxuuna dhamaantood uu Ilaah uga baryey badel ka Khayr badan in uu Alle Siiyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Xuseen Oodwaa, ayaa ah Wasiir ka damqada Dadka Dhibaateysan ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dhawaan ayey ahayd Markii Wasiirka uu Deeq lacgageed gaarsiiyey Wiil Dhallinyaro ah oo ku Xanuusanaa Magaalada Burco, waxayna Deeqdaan Albaabada u furtey in Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka u ansaxiyaan Lacag gaareysa Toban Kun oo doolar kaddib markii [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles