Wasiirka arrimaha dibedda dalka Kenya Aamina Maxamed Jibriil ayaa Beesha Caalamka ka dalbatay in la sii wado taakulaynta ciidamada AMISOM ee howl galka Midowga Afrika ee Soomaaliya. haddii la rabo in nabad waarta laga gaaro geeska Afrika. Aamina oo qudbad ka jeedisay kulanka golaha ammaanka Qaramada Midoobey ee ka dhacay magaalada New York, ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la taageero Ciidanka AMISOM haddii la doonayo bey tiri inay Soomaaliya iyo gobolkaba nabad gelyo noqdaan. Wasiirka ayaa walaac ka muujisay mushaar dhimista lagu sameeyay Ciidamada AMISOM,waxanay carrabka ku adkaysay in la sii joogteeyo taageerada dhaqaale ee la siiyo hawl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya. Aamina Maxamed ayaa sidoo kale sheegtay in mushaar dhimistii uu sameeyay Midowga Yurub ay keentay caqabado badan, waxanay ka dalbatay Golaha Ammaanka inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrimaha la xiriira taageerada AMISOM. Dowladda Kenya ayaa marar badan ka hadashay caqabadaha dhanka dhaqaalaha ee soo wajahay AMISOM, kaddib markii ay midowga Yurub jareen 20% mushaarkii ay qaadanayeen Askarta Soomaaliya ka joogta Midowga Afrika.
↧