Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Danjiraha Turkiga oo sheegay in dib loo bilaabayo howlihii ay qaban jirtay hey’adda Nile+Sawirro

Dowladda Turkiga ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen walaalooda Turkiga kaddib inqilaabkii dhicisoobay ee laba todobaad ka hor ka dhacay dalkaasi. Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta safaaradda Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho, ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalka uga saartay shaqaalaha hey’adda Nile, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay ka wada shaqeeyeen labada dowladood ee Turkiga ee Soomaaliya. Danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay in dugsiyadii waxbarashada ee ay maamuli jirtay hey’adda Nile dib loo furi doono bisha Augost, isagoo ugu laabqaboojiyay ardaydii wax ka baran jirtay dugsiyadaasi ineysan ka welwelin waxbarashadooda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in bukaannada ku jira Isbitaalka Deva loo wareejiyay isbitaalka  Rajeb Dayip Erdogan Ex Digfeer, wuxuuna ballanqaaday in dhawaan dib loo howlgelindoono Isbitaalka Deva. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa taageerada ay noo muujiyeen, iyo dibadbaxyada ay ku diidayeen inqilaabkii dhicisoobay, taasina waxey muujineysaa in xiriir qoto dheer uu u dhexeeyo labada dal” ayuu yiri Danjire  Olgan Bekar. Danjiraha ayaa soo hadalqaaday dadaallada ay dowladdiisu ugu jirto iney miradhal noqdaan wadahadallada u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Soomaaliland. “Soomaaliya waxaan ku eegnaa hal waji mana aqoonsanin baasaboorka maamulka Soomaaliland, Fiisooyinkana [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles