Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Daawo Sawirrada: Ciyaartiooyda Soomaaliya uga qeybgeleysa ciyaaraha Olimbikada Brazil oo ku jira diyaar-garowgoodii ugu dambeeyay

$
0
0
Garoonka Banaadir Stadium ee magaalada Muqdisho waxaa maalmahan uga socda tababar isdabajoog ah kooxda uga qeyb galeysa Soomaaliya ciyaaraha Olimbikada ee ka furmaya horraanta bisha dambe magaalada Rio de Janeiro ee dalkaasi Brazil. Kooxdan tababaraneysa ayaa waxaa ka baxaya oo keliya labo ruux oo kala ah Maryan Nuux Muuse iyo Maxamed Da`uud Maxamed kuwaas oo Soomaaliya u mateli doona ciyaaraha islamarkaana calanka Soomaaliyeed qaadi doona. Maryan oo qaranka Soomaaliya horay ugu soo safatay sanooyinkii u dambeeyay ayaa waxa ay ka qeyb gashay tartamo ka dhacay dalalka Kenya, Republic of Congo, Botswana, Tanzania, Ethiopia iyo China, waxaana ay ordi doonta tartanka orodka ee 400 mitir. Maxamed oo isna qaranka Soomaaliyeed u safanaya sanadkan ayaa waxaa uu asal ahaan kasoo jeedaa dhulka lagu magacaabo  Waqooyi-bari Kenya, waxaana uu isna Soomaaliya u ordi doonaa tartanka 5,000 mitir. Tababaraha ciyaartoyda Maxamuud Cadow Nuur ayaa rajeynaya in ay natiijo wanaagsan ka gaaraan ciyaartan, waxaana uu tiiriikh kooban ka bixiyay qaabkii awal loo xulan jiray ciyaartoyda. ” Waagii hore, ragga orodka ugu wanaagsan waxaa qaadan jiray ciidamada, dabadeed dibadda ayaa loo diri jiray kuwooda fiic-fiican oo tababar dheeraad ah ayaa lagu soo siin jiray, balse marki ay dowladdi bur-burtay waxaasoo dhan meesha waa ay ka bexeen”, ayuu yiri Mr. Maxamuud. [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles