Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciyaaryahannada Puntland oo ku guulaystay Koobka Horyaalka ciyaaraha gobollada dalka

$
0
0
Ciyaartooyda ku ciyaareysay magaca maamulka Puntland ayaa rigoorayaal 5-3 ku qaaday koobka maamul goboleedyada Soomaaliya Kaddib markii ay ciyaartu ku idlaatay waqtigii loogu tala galay 1-1 Qeybtii hore ee ciyaarta ayeey kooxda Jubbaland gool ka dhalisay ciyaartooyda  Puntland bilowgii ciyaarta kubbad ka timid dhanka Koornaha ayaa waxaa shuud kulul dhex dhigay shabaqa ciyaaryahanka lambarka 10-aad oo lagu magacaabo Faarax. Ciyaartoyda Puntland ayaa durba bilaabay inay baadi goob u gasho sidii ay isaga soo gudi lahayd goolka. Kabtan Cabdisalaan Dhiidhiye oo runtii wacdaro muuqata ka dhigayay ciyaarta ayaa fursado dhowr ah abuuray iyadoo markii dambe kubbad uu si kalsooni leh ugu soo dhex qaatay diilinta ganaaxa bannaankana soo dhigay ayaa waxaa ku taabtay saaxiibkii oo ciyaarta ka dhigay bar-barro 1-1. Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaad moodaa inuu yaraaday weerarkii xoogganaa ee qaybta hore. Ciyaarta ayaa ku idlaatay waqtigii loogu tala galay 1-1. Waxaa bilaabatay qeybta hore ee 30-kii daqiiqo ee dheeriga ah waxaana la isku helay fursado yar qeybta hore mid ay sameysay Jubbaland iyo mid aad u halis badan oo uu sameeyay Cabdisalaan Dhiidhiye kabtanka Puntland. Dhiidhiye ayaa u istaagay si geesinimo leh kubbad laadka xorta ah kaddib qalad loo dhigay kooxdiisa wuxuuna u soo tuuray [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles