Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Turkiga u gacan galisay Sargaal ku lug lahaa Afganbigii dhicisoobay

$
0
0
Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa u gacan gelisay Xukuumadda Turkiga Taliyihii Ciidamada nabad ilaalinta Turkiga ee dalka Afganistaan  General Jaahid Baaqir,kadib markii lagu eedayay inuu ku lug lahaa isku daygii afganbigii fashilmay oo ka dhacay dalka Turkiga. Taliyaha oo la sheegay inuu baxsad ahaa ayna wehliyeen laba Sarkaal kale, waxaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee dubai, iyagoo ka  yimid Caasimadda dalka Afganistaan ee Kaabuul. Wakaaladda Wararaka Turkiga ANADUl , ayaa sheegay in qabshada Taliyahaasi ay ka  dambeysay Dalaab Imaaraadka uga yimid Turkiga. -Mukhtaar SONNA –

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles