Ururka u dooda xuquuqda muslimiinta dalka Nigeria ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda sare ay ku joojisay xanibaadii gabdhaha muslimka ah ka saarneyd xirashada xijaabka inta ay joogaan iskuulada dowladda ay leedahay ee ku yaala magaalada Lagos ee dalkaas. Go’aanka maxkamada sare ayaa ka dambeeyay markii ururka u dooda xuquuqda muslimiinta ( MRC) ay racfaabka qaateen xukun horey maxkamada darajada koowaad ay soo saartay kaas oo lagu mamnuucayay in gabdhaha ay xirtaan xijaabta inta ay joogaan iskuulada dowladda leedahay Ururka MRC ayaa sheegay in go’aanka maxkamada uu yahay guul u soo hooyatay ku dhaqanka sharciga. Qaadiga maxkamadda ayaa dhankiisa sheegay in xanibaadan ay aheyd mid xadidaysay xoriyadda diinta ee gabdhaha muslimka ah ee dalka Nigeria. Gabdhaha ayaa loo ogoleyn in ay xirtaan niqaabka sababta waxaa weeye kamid ma ahan uniformka iskuulka. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen maamulka gobolka go’aanka maxkamadda, mana cadda in go’aankan ay la tiigsan doonaan maxkamadda sare ee dalka iyo in kale. Dadweynaha dalka Nigeria ayaa qiyaastii u kala qeybsan Muslim iyo Christians, labada dhinacna inta badan waa laga xadidaa caqiidadooda. Tirada ugu badan ee Muslimiinta dalkaas ayaa ku nool dhinaca woqooyi ee dalka halka kuwo kale ay u badan [...]
↧