Xafladan oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu daah-furayay ololaha talaalka cudurada sambabka ee ku dhaca Ariga oo ay si rasmi ah u daah-furtay Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda cunada iyo beeraha Qaramada Midoobay u qaabilsan ee FAO iyo ururada ka shaqeeya Xanaannada Xoolaha, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasiirka ganacsiga, Guddiga Xanaannada Xoolaha, beeraha iyo horumarinta reer miyiga ee Baarlamaanka Soomaaliya, urarRada Xanaanada Xoolaha ee dalka iyo dhaqaatiir. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Mudane Maxamed Cumar Nuur oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in ololahan talaalka uu muhiim u yahay caafimaadka dalka oo dhan. Drs Nuurto Sheekh Maxamuud oo ku hadlaysay Ururrada Xanaanada Xoolaha oo soo dhowesay daahfurka ololaha talaalka sambabka ee Ariga ayaa ku baaqday in qorshaha Qaranka ee dalka muhiimad la siiyo Xanaanada Xoolaha iyo daryeelkooda. Xildhibaan Siciid Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha Guddiga Xanaannada Xoolaha, beeraha iyo horumarinta reer miyiga ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Soomaaliya dadaalka dalka uu ka gaaray Xanaanada Xoolaha. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in xoolaha dhaqaalaha Soomaaliya ay kaalin weyn kaga jiraan. Wasiirka Wasaaradda [...]
↧